Pakistan oo Shiinaha la gashay heshiis ay ugu dhoofineyso kumanaan kun oo dameero ah

0
585

Pakistan oo Shiinaha la gashay heshiis ay ugu dhoofineyso kumanaan kun oo dameero ah

Pakistan ayaa laga helaa tirada saddexaad ee dameeraha ugu badan caalamka, iyada oo ay ku nool yihiin in ka badan shan milyan oo xoolo ah markii laga soo tago dalalka Shiinaha iyo Itoobiya.

Waxaa dameeraha looga adeegsadaa qeyba badan oo ka mid ah Pakistan xoolo lagu xamaasho.

Waxaa caadi ka ah Pakistan inaa ku aragto gaari dameerada oo garab soconaya gawaarida kale ee caadiga ah gudaha magaalada Lahore ee dalkaasi.

Haatan saraakiisha waddankaasi ayaa doonaya inay lacago cadiin ah ku helaan kheyraadkoodaasi.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Pakistan shrikado laga leeyahay Shiinaha ayaa doonaya inay ku maalgashadaan lacago malaayiin ah dhismaha shirkado ka ganacsada dameerada.

Saddexda sano ee ugu horeyso, dowladda Pakistan ayaa qorsheyneysa inay dhoofiso 80 kun oo dameero ah.

 

Dalka Shiinaha ayaa hilibka dameeraha aad looga isticmaala iyada oo maqaarkuna ka mid yahay cunooyinka nafaqada leh iyo dawooyinka dhaqanka.

Halkii dameer ayaa la filayaa in lagu iibiyo sicir gaaraya in ka badan afar boqol oo lacagta bounka ah.

Paksitan ayaa wajaheyso culees dhanka mushahar bixinta dowladda ah waxa ayna baahi weyn u qabtaan isdhaafsiga lacagaha qalaad si ay sare ugu soo qaado dhaqaalaheeda.

Waxa ay ku rajo weyn tahay in dhoofinta dameeraha uu qeyb ka qaadan karo in baahidaasi la daboolo sanadaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here