Turkiga oo sii daayay shaqaale ka tirsan qunsuliyada Mareykanka

0
537

Turkiga oo sii daayay shaqaale ka tirsan qunsuliyada Mareykanka

Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa sii deysay arbacada maanta ah sii deysay mid ka mid shaqaalaha qunsuliyada Mareykanka uu ku leeyahau koonfurta Turkiga.

Xukuumada Ankara ayaa ninkaan ku eedeysay falal argagixiso sida ay tabisay wakaalada wararka ee Anadolu.

Xamza Ulucay oo u dhashay Turkiga kana howlgalayay qunsuliyada Mareykanka ee magaalada Mardin,ayaa qoorta loo galiyay afar sano iyo lix bilood ka hor inta aan maanta la sii deyn.

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay bishii Febraayo ee sanadkii 2017-dii.

Inkasta oo mudu uu xabsiga ku qaatay ayaa hadane maxkamada ku amartay in uusan ka bixi karin gudaha Turkiga.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa horay isugu qilaafay xariga baadariga lagu magacaabo Andrew Brunson ka hor inta aan la sii deynin dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here