Diyaarado dagaal oo xalay duqeeyay saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Hiiraan.

0
688

Diyaarado dagaal oo xalay duqeeyay saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaarado ay duqeyn xooggan la eegteen saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaan Kooofur ka xiga Luuq Jeeloow.

Dadka deegaanka Baacyar oo ah halka la duqeeyay ayaa ku soo waramaya inay maqleen jugta gantaalo ay rideysay diyaarad joog hoose ku socotay, taasoo guuxeeda si weyn looga maqlay deegaano ka fog halka la beegsaday.

Deegaanka gantaalada lala dhacay ayaa waxay 25km dhanka Koonfureed ka xigtaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Food Cadde ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in duqeynta khasaare lagu gaarsiiyay dagaalyahano ka tirsa Al-Shabaab ah oo ku sugnaa Saldhigga la beegsaday,

Duqeynta kaddib Al-Shabaab ayaa hawada ka saaray Isgaarsiinta deegaanka, iyagoo sidoo kale dadka ku amray in aysan guryahooda ka soo bixin, si aanan loo ogaan khasaaraha ka soo gaaray weerarka dhinaca cirka.

Xilli dambe oo xalay ah saqdii dhexe ah ayaa sidoo kale lagu arkay deegaanka Baacyar diyaarado joog hoose ku socda oo cabsi geliyay shacabka ku nool qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika oo inta badan sheegta duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here