Sirdoonka Mareykanka oo sheegay in Daacish aanan wali laga adkaan

0
806

Sirdoonka Mareykanka oo sheegay in Daacish aanan wali laga adkaan

Sida laga soo xigtay agaasimaha mukhaabaraatka qaranka Mareykanka Dan Coats, kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS ayaa wali amarta kumanaan dagaalamayaal ah oo ku sugan gudaha Ciraaq iyo Suuriya waxa ayna xambarsan yihiin fikrado khatar ah inkasta oo dhulal badan laga qabsaday.

Hadalkiisan ayaa kasoo horjeeda hadal uu dhawaan sheegay madaxweyne Trump oo ahaa in kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS laga adkaaday uuna taasi u coskaday in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Suuriya.

Waxa uu sidoo kale sheegay Mr Coats in madaxweyne Trump uu sumcad ku helay inuu caalamka ka dhigayo goob nabdoon uuna la kulmayo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, isago oo ku shaaciyay bartiisa twiterka in halistii nuklerka ay dhammaatay.

Balse Mr Coats ayaa u sheegay gudiga mukhaabaraatka Mareykanka in Kuuriyada Waqooyi ay ku dadaaleyso inay heysato hubkeeda sida ba’an wax u gumaado iyo in ay awood u yeelato soo saarida hub badan.

Balse waxa uusan xusin ayaa ah wax halis ah oo ka imaanaya dhanka muhaajiriinta sida sharcidarrada ah ugasoo galaya Mareykanka waddanka Mexico.

Mr Trump ayaa ku qasbay in la xiro laamaha xukuumadda Mareykanka kaddib markii congareska uu kasoo horjeestay bixinta qarashka lagu dhisayo gidaarka xadka Mareykanka iyo Mexico kaasi oo Trump uu ku sheegay inuu muhiim u yahay ammniga qaranka.

Waxaana wali suuragal ah in madaxweyne Trump uu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran haddii aanan heshiis laga gaarin bartahama bisha February.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here