Bandow habeenkii lagu soo rogay Magaalada Jigjiga

0
827

Bandow habeenkii lagu soo rogay Magaalada Jigjiga

Kulan degdeg ah oo magaalada Jigjiga ku yeesheen laamaha ammaanka ee Somali State iyo sidoo kale kuwa dowladda Federaalka Itoobiya ayaa lagu go’aamiyey arrimo dhowr ah.

Ugu horreyn, waxaa Bandow lagu soo rogay magaalada Jigjiga wixii ka dambeeyey habeenkii 10-ka fiidnimo, sidoo kalena aan la qaban karin shirar aanu maamulka ogeyn.

Sidoo kale, waxaa la go’aamiyey in aad loo adkeeyo ammaanka xarumaha ganacsiga ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay Magaalada Jigjiga ay ka dhaceen Rabshado, taasi oo saameyn ku yeelatay Magaalada.

Saraakiisha ammaanka ayaa shegay in bandowga uu dhaqan galaayo habeenkii si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee Jigjiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here