Turkiga iyo Ruushka oo isku raacay la dagaalanka kooxaha argagixisada Suuriya

0
552

Turkiga iyo Ruushka oo isku raacay la dagaalanka kooxaha argagixisada Suuriya

Madaxweynaha Turkiga Rejab Thayib Erdogan iyo dhigiisa Ruushka Vladamir Puttin ayaa maanta kulan ku qaatay magaalada caasimada ah ee Moscow kaasi oo looga hadlay xal u helida colaada ka taagan wadanka suuriya gaar ahaan deegaanada waqooyi ee saaran Turkiga.

Hogaamiyaha Turkiga iyo dhowr wasiir oo la socota ayaa booqasho rasmi ah oo qaadaneysa afar maalin waxay uga bilaabatay dalka Ruushka oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Putin iyo Erdogan ayaa isku raacay sida loogu baahan yahay xal u helida amaanka suuriya iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada gaar ahaan dagaalyahanada wali ku sugan gobolka idlib oo u dhow xadka Turkiga.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo turkiga uu ku dhawaaqay howlgalo balaaran oo uu ka sameyn doono degaanada u dhow xadkiisa si amniga uu u noqdo mid la isku halyn Karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here