Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo lagu wareejiyay Militariga Itoobiya

0
554

Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo lagu wareejiyay Militariga Itoobiya

Coldoon & Rag kale oo Suxufiyiin la socday lagu xiray Magaalada Gaashaamo, ayaa wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in Wariyaha lagu wareejiyay Ciidanka federalka Itoobiya.

Axmed Warsame oo ka mid ah Odayaasha Magaalada Gaashaamo ayaa Universaltv u sheegay inuu booqday shalay galab Wariye Coldoon iyo dhalinyarada kale ee saddexda ah la xiran, kuwaasi oo lagu haayo Xerada Militariga Itoobiya ee Gobolka Jarar.

Axmed Warsame ayaa sidoo kale ka sheekeeyay xilliga wariyaha la xiraayay & waxyaabaha uu ku hawlanaa.

“Cabdi Maalik isaga oo Wareysi qaadaya oo dadka wareysanaya waliba Odayaasha oo taariiqda Gaashaama & xaaladaheeda ka wareysanaya ayaa waxaa u yimid ciidanka Liyuu Boolis, kadibna waxa ay u sheegeen inuu joojiyo hawsha uu wado oo uu xidhan yahay isaga iyo ragga kale ee la socday dabadeedna waxaa la saaray gaadhi oo waliba isaga shirka hore ayaa la saaray, ragga kalena waxaa la saaray dusha gaadhiga.” Ayuu yiri Axmed Warsame.

Wariye Coldoon oo ah Suxufi ka shaqeeya dhanka arrimaha Bulshada & soo bandhigida tacadiyada Maamulada ay gaystaan, ayaanan illaa hadda xarigisa waxaanan ka hadlin Xukuumada Somalialnd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here