Algeria oo ku dhawaaqday waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxtinimo

0
583

Algeria oo ku dhawaaqday waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxtinimo

Madaxweynaha dalka Algeria ayaa ku dhawaaqay in doorashada madaxtinimo ay dhici doonto 18-ka bisha afaraad ee Aril ee sanadkan 2019-ka.

Ma cada in Cabdi Casiis Butafliiqa oo 81 jir uu u loolami doono xilka markii shanaad.

Hogaamiyaha wadankan ku yaal waqooyiga Afrika ayaa talada la wareegay sanadkii 1999-kii oo hada laga joogo 20 sano.

Djamel Ould Cabaas, oo ahaa madaxii hore ee xisbiga xoreynta qaranka ayaa ee loo soo gaabiyo (FLN), ayaa la aryay bishii November ee sanadkii hore kadib markii uu ku dhawaaqay in Butafliiqa uu ahaan doono musharaxa u loolamaya xisbiga.

Mr Cabaas ayaa sheegay waqtigaas in la isla gartay kadib kulan ay wadaqaateen xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka ee madaxweynaha isku xisbiga yihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here