Walaac xoogan oo soo wajahay soomaalida Nairobi kadib weerarkii lagu qaaday hotelka Dusit

0
482

Walaac xoogan oo soo wajahay soomaalida Nairobi kadib weerarkii lagu qaaday hotelka Dusit

Soomaalida ku dhaqan xaafada islii iyo guud ahaan qeybo ka mid ah magaalada caasimada ah ee Nairobi ayaa waxaa soo wajahay walaac xoogan kadib weerarkii lagu qaaday Hotelka Dusit isbuucii hore.

Saraakiisha booliska Kenya oo wali wada baaritaanka la xiriira arintaan ayaa waxay xaqiijiyeen in laba ka mid ah dableyda ay ahaayeen soomaali kadib war ka soo baxay Khamiistii shalay.

Arintaan ayaa durbaba saameyn iyo walaac xoogan waxay ku abuurtay shacabka ku dhaqan Islii gaar ahaan kuwa aan heysan sharciga dalkan Kenya.

Maalin ka hor ayaa howlgal ciidanka amniga sameeyeen waxaa lagu soo qabtay mid ka mid ah la tuhmayaashaan oo ku sugan xaafada Islii sida uu xaqiijiyay madaxa danbi baarista Kenya Mr Goerge Kinoti.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa maalintii arbacada kadib booqasho uu ku tagay goobtii ay mashaqada ka dhacday waxaa uu sheegay in islaamka aysan aheyd dad si gooni ah loogu tiirin karo weerarada argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here