Al-Shabaab oo sheegatay in 53 askari Itoobiyaan ku dishay dagaal ka dhacay duleedka Buurhakaba

0
667

Al-Shabaab oo sheegatay in 53 askari Itoobiyaan ku dishay dagaal ka dhacay duleedka Buurhakaba

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee Gobolka Baay, kaddib markii Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan oo ka soo baxay Buurhakaba ay ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Sida wararka sheegayaan kolonyada Ciidamada Itoobiya ayaa wadada loogu galay meel qiyaastii 20KM u jirta Buurhakaba, waxaa halkaas ka dhacay dagaal muddo saacado socday.

Dagaalka aya asii xoogeystay markii Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo gurmad ahaan uga yimid dhanka Baydhabo jidka loo galay.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare fara badan, iyadoo la soo warinayo in gaadiid ay lahaayeen Ciidamada Itoobiya oo gaaraya illaa 7 gaadiid oo ah kuwa xamuulka ah la gubay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa baraha bulshada ku baahiyay in 53 askari ay ka dileen Ciidamada Itoobiya.

Dagaalkii saaka ka dhacay inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Baydhabo ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee muddooyinkan ka dhaca halkaas, iyadoo sanadkii 2015 sidan oo kale wadada loogu galay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo laga furtay saanad iyo hub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here