Sheekh Cali Dheere: Weerarkii Nairobi wuxuu jawaab u yahay Aqoonsiga Mareykanka uu Qudus caasimadda Yuhuuda ugu aqoonsaday

0
814

Sheekh Cali Dheere: Weerarkii Nairobi wuxuu jawaab u yahay Aqoonsiga Mareykanka uu Qudus caasimadda Yuhuuda ugu aqoonsaday

Xoogaga Shabaab ayaa faah faahiyay ujeedada ka dambeysay weerarkii ay ku qaadeen Hotel ku yaallo Bartamaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Afhayeenka Shabaab Cali Maxamuud Ragge ayaa sheegay weerarkaasi inay fuliyeen Ciidan uu ugu magacdaray inay ka tirsan yihiin Katiibada Saalax Nabhaan ee Shabaab ka tirsanaan jiray.

Wuxuu sheegay ujeedada weerarkaasi inay aheyd ka jawaabis hadalkii Mareykanka uu ugu aqoonsaday Caasimadda Yuhuuda inay tahay Magaalada Barakeysan ee Qudus.

“Xaruntaasi wayn oo ku taal Xaafadda Westland ee Nairobi, waxa ay hoy u aheyd 10-neeyo Shirkado oo ay leeyihiin Mareykan & Ingiriis, tiro yar oo Mujaahidiinta ka mid ah ayaa Allah u suurageliyay inay cadowga halkaasi kula dagaalamaan 24 saacadood oo cadowga Khasare laga gaarsiiyay, hawlgalkaasi ayaa loogu magacdaray Labeyka Yaa Qudus.” Ayuu yiri Afhayeenka Shabaab.

Cali Dheere ayaa sheegay ku dhawaad 50 qof oo Ajaanib ah oo reer Galbeedka ay ku jiraan in lagu dilay weerarkaasi, isaga oo sheegay Khasaaraha dhaawacana inuu intaasi ka badan yahay.

Dowladda Kenya waxa ay sheegtay weerarkaasi inay ku dhinteen 14 ruux, sida uu Warbaahinta u sheegay Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here