DEG DEG  :- Madaxweynaha Somaliland Oo Iminka Magacaabis Sameeyey

0
581

DEG DEG  :- Madaxweynaha Somaliland Oo Iminka Magacaabis Sameeyey

Hargeysa (Dalmar-News):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhow magacaabay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada iyo xeer-ilaaliyaha guud. Waxaa uu sidoo kale magacaabay garsoorayaal iyo xeer ilaaliyeyaal kale.

Mudane Biixi waxaa uu gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aadan (Aar) u magacaabey guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ee derejada koowaad ee gobollada galbeedka.

Sidoo kale, Gaashaanle dhexe Yaasiin Maxamed Cabdi ayaa loo magacaabey Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida Somaliland.

Xogtan oo ay heshay Goobjoog News ayaa waxaa sidoo kale uu magacaabey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xeer-ilaaliyaal iyo garsoorayaal ciidan;

L/Xidigle, Xasan Abiib Cumar, garsoore ka tiraan maxkamada Ciidamada ee derejada koowaad.
L/Xidigle, Jimcaale Jaamac Muxumed, garsoore ka tirsan Maxkamada Ciidamada ee derejada koowaad.
L/Xidigle, Xasan Cige Jaamac, garsoore ka tirsan maxkamada Ciidamada ee derjeada koowaad.
Gaashaanle Axmed Saalax Cabdi, Ku-Xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Maxkamada Ciidamada Somaliland
Gaashaanle Siciid Cali Cilmi, Xeer ilaaliye maxkamadda ciidamada Somaliland
Xiddigle, Cabdillaahi Maxamed Axmed, Xeer ilaaliye Maxkamadda ciidamada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here