DEG DEG : Qarax goor dhow ka dhacay maqaayada The Village ee Muqdisho

0
520

DEG DEG : Qarax goor dhow ka dhacay maqaayada The Village ee Muqdisho

Qarax gaari ayaa goor dhow ka dhacay maqaayadda The Village ee ku taal degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, iyadoo gaariga qarxay uu ku sugnaa qeybta baabuurta la dhigto ee afaafka hore ee Maqaayadda.

Qaraxan ayaa dhacay abaarihii xilliga maqribka, waxaa la arkayay uuro cirka isku shareeray oo ahaa gaariga qarxay.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qarxa, maqaayadda The Village ayaa ka mid ah maqaayadaha ugu caansan magaalada, waxaa dhowr jeer lagu beegsaday qaraxyo faracyo ay ku laheyd magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here