Afhayeenka baarlamaanka liibiya oo sheegay in ay waajib tahay qabashada doorasho Qaran

0
608

Afhayeenka baarlamaanka liibiya oo sheegay in ay waajib tahay qabashada doorasho Qaran

Afhayeenka Baarlamaanka dalka liibiya ee fadhigiisu yahay magaalada bariga ku taal ee Tabruuk ayaa sheegay in ay tahay in la qabto doorasho qaran xitaa hadii ay codbixiyeyaasha diidan afti loo qaado wax ka badalka Dastuurka.

Fikirka Aguila Saalax ayaa laga yaabaa in uu caawiyo Qaramada midoobay iyo dalalka reer galbeedka kuwaasi oo walaac ka qaba caqabad ka dhan ah dadaalada lagu doonayo in lagu qabto doorasho qaran si loo soo afmeero dagaalka sokeeye oo sanadi badan ka socday Liibiya.

Qaramada midoobay iyo dalalka reer galbeedka ayaa ku rajo weyn in liibiya ay ka dhacdo doorasho qaran bisha June kadib marka la qabto afti dadweyne oo wax looga badalayo dastuurka.

Wadankaan ku yaal waqooyiga Afrika ayaa waxaa ka qarxay dagaal sokeeye sanadkii 2011-kii kaasi oo xilka looga tuuray madaxweynihii geeriyooday ee Mucamar Al-Qadaafi.

Mr Saalax oo wareysi ku siiyay isbuuc dhamaadkan wakaalada wararka ee Reuters gurigiisa ku yaal magaalada Qubba ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay doorasho dhacdo bartamaha Sanadkaan,maadama ay waqti qaadan karto aftida dastuurka lagu badalayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here