Myanmar oo diiday in ay sii deyso laba saxafi oo u shaqeeya wakaalada wararka Reuters

0
788

Myanmar oo diiday in ay sii deyso laba saxafi oo u shaqeeya wakaalada wararka Reuters

Qoysaska laba wariye oo u dhashay wadanka Myanmar ayaa iyaga oo ilmeynaya guryahooda ku laabtay kadib markii maxkamada Myanmmar ay ku gacan seyrtay in si racfaan ah ay ku sii deyso saxafiyiintan u shaqeeya wakaalada wararka ee Reuters.

Xaasaska Wa Lone iyo Kyaw Soe ayaa ilmeeyay kadib markii Garsooraha maxkamada sare ee yangon ayaa gaashaanka u daruuray in wax laga badalo 7 sano oo xabsi ah oo saxafiyiintan lagu riday sanadkii la soo dhaafay.

Labadan wariye ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidanka Amniga Myanmar bishii December sanadkii 2017-dii iyagoo howlahooda shaqo ka waday gobolka muslimiinta ee Rakhine halkaasi oo milatariga ay ka wadeen howlgalo balaaran oo ka dhan dadka rayidka.

Balse xukuumada dalkaas ayaa sheegten in Wa Lone iyo Kyaw ay gudbinayeen sirta xukuumada Myanmar.

Pan Ei Mon iyo Chit Su Win ayaa sheegay in rajeynayeen maanta in la sii daayo wariye yaashaan oo ay sheegeen in si xaqdaro ah ay ku xiranyihiin.

Xaaska Wa Lone ayaa sheegtay in seygeeda uu ku guul dareestay in uu arko cunuga ay u dhashay bishii August ee sanadkii la soo dhaafay ee 2018-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here