Xuutiyiinta oo duqeymo diyaaradeed ku dilay xubno sare oo ka tirsan Miatariga Yemen

0
616

Xuutiyiinta oo duqeymo diyaaradeed ku dilay xubno sare oo ka tirsan Miatariga Yemen

Weeraro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha Laheyn ee loo yaqaan Drone-ka oo ay leeyihiin dagaalyahanada Xuutiyiinta ayaa waxaa lagu dilay shan askari oo ka tirsanaa milatariga Yemen oo ka mid yahay taliye ciidan,sida uu sheegay afhayeenka xuutiyiinta.

Weerarkaan ayaa khamiista maanta ah ka dhacay xerada ciidanka Milatariga Yemen ee Al Canad halkaasi oo ay ka socotay dhoolatus milatari.

Duqeyntaan ayaa dhanka kale waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 20 askari oo ka mid yahay sargaalka lagu magacaabo Maxamed Saalax Tamah iyo taliyaha ciidanka sirdoonka Maxamed Jawas iyo barasaabka gobolka Laaxij Axmed Al-Turki.

Afhayeenka kooxda Xuutiyiinta Yemen Cabdulahi Guddoos Al-Shaxari ayaa dhanka kale xaqiijiy in duqeyntaan uu ku dhaawacmay sidoo kale madaxii ciidamada Cabdulaahi Al-Naakhee.

Xuutiyiinta Yemen ayaa intaa raaciyay in weerarkaan ay qaadeen kadib markii xog wanaagsan ay ka heleen ilaha sirdoon oo ay ku dhex leeyihiin dowlada dalka Yemen.

Kooxaha Xuutiyiinta Yemen ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyay duqeymaha ay u adeegsanayaan diyaaradaha dagaalka ee Drone-ka loo yaqaan ee ka dhanka ah Milatariga Yemen iyo Isbaheysiga taageerada u ah ee uu hogaamiyo Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here