Mareykanka oo duqeyntii afaraad todobaad gudahood ka fuliyay Soomaaliya

0
514

Mareykanka oo duqeyntii afaraad todobaad gudahood ka fuliyay Soomaaliya

aliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in Talaadadii la soo dhaafay uu duqeyn ka fuliyay deegaan ka tirsan Gobolka Baay, kaasoo lagu dilay illaa lix dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhacay deegaanka Yaaq-Baraawe, waxaa lagu beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay inay aanay jirin dad rayid ah oo weerarka waxyeelo ka soo saartay.

Mareykanka ayaa todobaadkan gudihiis illaa afar duqeyn ka fuliyay Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Baay ee Maamulka Koofur Galbeed.

Duqeyn Axadii la soo dhaafay laga fuliyay deegaan lagu magacaabo Dheer Sanle waxaa lagu dilay illaa lix dagaalame, halka labo duqeyn oo Isniintii ka dhacday Tuulada Baqdaad lagu dilay afar dagaalame.

Todobaadkan kaliya duqeymaha Mareykanka ayaa waxaa lagu dilay illaa 15 dagaalame ka tirsan Al-Shabaab, waxaana muuqda in duqeymaha Mareykanka fuliyay sanadkan cusub ee bilowga ah ay gaarayaan illaa shan duqeyn.

Sanadkii hore Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay illaa 46 duqeyn, taasoo ah duqeyntii ugu badneyd ee Soomaaliya ka fuliyo sanad gudahood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here