Hoggaamiye Mucaarad Ah Oo Ku Guuleystay Doorasho Ka Dhacday Koongada Dimuqraadiga

0
689
FILE PHOTO: Felix Tshisekedi, leader of Congolese main opposition party, the Union for Democracy and Social Progress (UDPS), attends a news conference in Nairobi, Kenya November 23, 2018. REUTERS/Baz Ratner/File Photo

Hoggaamiye Mucaarad Ah Oo Ku Guuleystay Doorasho Ka Dhacday Koongada Dimuqraadiga

Guddiga Doorashadda ee dalkaasi waxay maanta ku dhawaaqeen Natiijadda Doorashadii Madaxtinimadda ee bishii November 30-dii ka dhacday dalkaasi, iyadoo Hoggaamiyaha Mucaaradka, Felikis Tashisekedi ku guuleystay Doorashadaasi.

Madaxweynaha cusub ee dalkaasi waxaa la sheegay inuu helay 38.57% oo u dhiganta in ka badan  7 milyan oo cod, halka Murashaxa labaad ee  lagu magacaabo Martin Fayulu la sheegay inuu helay 6.4 milyan oo cod.

Natiijadda Doorashadda waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo si Dimuqraadi ah ku dhacda tan iyo markii uu dalkaasi ka xoroobay Gumeysigi Beljimka sannadkii 1960-kii.

Madaxweynaha muddada dheer ka talinayey dalkaasi, Josef Kabiila ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo xilka ka dego, wuxuuna  talada dalkaasi hayey muddo 18-sanno ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here