Dab goor dhow ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha

0
656

Dab goor dhow ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha

Wararka naga soo gaaraya suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qeybo ka mid ah suuqaas uu dab ka kacay goor dhow abaare 9:00 fiidnimo.

Dabka ayey wararku sheegayaan inuu ka bilowday qeybta huudheyda, uuna ku faafay maacuunta iyo qeybaha kale ee suuqaasi

Dabka ayaa sidoo kale si gaar ah u saameeyey qeybta bacadlaha gaar ahaan suuqa loo yaqaano Suuq Al-khaliifa

Dadweyne fara badan ayaa ku yaacaya suuqa Bakaaraha kuwaasoo isugu jira ganacsato suuqaasi ka shaqeysta iyo dad kale.

Waxaa socda dedaalo lagu deminayo dabkan inta uusan ku faafin qeybaha kale ee Suuqa, gaadiidka dab demiska ee maamulka gobolka Banaadir ayaa la soo sheegayaa iney suuqa ku wajahan yihiin, waxaana aad u adag in la ogaado sababta kicisay dabkan.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia oo suuqaasi gaaray ayaa isku dayayaa iney xakameeyaan dadka si suuqa galaya si tuugada aysan ugu dhex dhuuman, iyagoo rasaas hawada u ridaya.

Waxaa sii xoogeysanaya dab xoogan oo caawa fiidnimadii ka kacay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

dabka oo markii hore ka bilowday qeybta Huudheyda iyo maacuunta ayaa hadda ku sii fidaya qeybo kale oo suuqa ka mid ah, waxaana ka mid ah meelaha uu gaaray qeybta bacadlaha.

Hanti aad u fara badan oo tiilay suuqa bakaaraha ayuu khasaare xoog leh u geystay dabkan, waxaana socda dedaalo badan oo lagu deminayo.

Boqolaal qof oo isugu jira ganacsato iyo dad kale ayaa ku qulqulaya Suuqa, iyadoo ciidamada dowlada ay ku jahwareersan yihiin sidii ay u kala saari lahaayeen dadka hantida ay ka taalo suuqa iyo burcada dooneysa iney wax boobaan.

Gaadiidka dab demiska ee  ay leedahay shirkada Hormuud iyo kuwa maamulka gobolka banaadir ayaa la tacaalaya deminta dabkaasi xooga badan, waxaana aad u cakiran xaalada suuqa Bakaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here