DAAWO : Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay in Ingiriisku Safiir Ugaar ah Usoo Magaacawday Somaliland 

0
576

DAAWO : Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay in Ingiriisku Safiir Ugaar ah Usoo Magaacawday Somaliland

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo ayaa isaga oo ku sugan dalka Britain waxa uu sheegay in dowladda Britain ay ergay gaar ah usoo magacaawday Somaliland.
Waxa uu sheegay in uu u shaqeyn doono sida safiir loo soo magacaabay dal madax banaan, waxa uuna intaas ku daray in uu fadhigiisu ahaan doono Magaalada Adddis Ababa.
Dowladda Ingiriiska kama aysan hadal ilaa iyo haatan, hadii ay ergay usoo magacaabeen Somaliland, Magaca ergayga iyo waxa uu qaban doono.Warkani ayaa la hubin uu wasiirku ku dhawaaqay
lamana oga inuu ka mid noqon doono hadalada 27 sanno soo jiitamayay ee shacabka Somaliland madaxdu u sheegto oo aan midna ku fulin.
Arrintaani ayaa kusoo aadaysa iyadoo dhawaan xoghayaha difaaca Britain uu booqasho aan hori loo sii shaacin ku tagay Somaliland, balse isagu qudhiisa kama uusan hadal arrintaani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here