Wasiir hore oo ka tirsanaa xukuumada Israel oo loo heesto in uu basaas u ahaa Iiraan

0
576

Wasiir hore oo ka tirsanaa xukuumada Israel oo loo heesto in uu basaas u ahaa Iiraan

Wasiir hore oo ka tirsanaa xukuumada Israel ayaa waxaa uu ka soo muuqday maxkamada ah kadib markii lagu helay in uu la shaqeynayay xukuumada cadow wadaaga ay yihiin ee Iiraan.

Wasaarada cadaalada Israel ayaa arbacada maanta ah sheegtay in Gonen Segev uu qirtay danbiga ah in uu warbixino sir ah ah siinayay wadanka cadowga ku ah Israel.

Maxkamada degmada Jerusalam ayaa la filayaa in markale ay dacwadaan dhageysato 11 bishii labaad ee Febraayo.

Segev ayaa ahaa wasiirka tamarta Israel sanadihii 1995-tii ilaa 1996-dii waxaana uu tababar ka qaatay ciidamada sirdoonka Iiraan,xilli uu ku noolaa wadanka Nigeria.

Baarayaasha ayaa ogaaday in sanadkii 2012-dii uu xiriir la sameeyay safaarada Iiraan ee dalka Nigeria,laba marna uu booqasho qarsoodi ah ku tagay wadanka Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here