Turkiga oo ugu baaqay Ruushka iyo Iiraan in loo midoobo la dagaalanka daacish ta Suuriya

0
579

Turkiga oo ugu baaqay Ruushka iyo Iiraan in loo midoobo la dagaalanka daacish ta Suuriya

Wasiirka Arimaha Dibeda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ugu baaqay wadamada ruushka iyo Iiraan in loo midoobo isbadalada dhanka amniga xilli Mareykanka uu ku dhawaaqay in ciidankiisa uu kala baxayo waqooyiga Suuriya.

Waxaa uu sheegay in Mareykanka uu xiligaan wajahayo dhibaatooyin kala duwan oo ku aadan qaabka uu ciidankiisa ula baxayo Suuriya loona baahan yahay in arimahaan il gaar ah ay u yeeshaan dalalka daneynaya arimaha suuriya.

Hadalkaan ayaa waxaa uu ka jeediyay kadib kulan uu maanta la qaatay gudiga arimaha amniga dibeda u qaabilsan baarlamaanka Turkiga.

Hadalka ka soo yeeray Mevlut Cavusoglu ayaa waxaa uu imaanayaa maalin kadib markii dowlada Turkiga ay ku gacan seyrtay codsi uga yimid Mareykanka oo ahaa in Turkiga uusan weerarin dagaalyahanada Kurdida ee ku sugan waqooyiga Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here