Somaliland oo Qaramada Midoobay ka dalbatay Ergay u gaar ah in loo soo magacaabo

0
1150

Somaliland oo Qaramada Midoobay ka dalbatay Ergay u gaar ah in loo soo magacaabo

Somaliland, ayaa Qaramada Midoobay ka dalbatay inay u soo magacowdo Ergay cusub oo aan aheyn midka Somaliya loo soo magacaabo.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay in ay codsi u direen Qaramada Midoobay kaas oo ay ku codsanayaan in wakiil ka socda Qaramada Midoobey oo aan ahayn midka Soomaaliya loo magacaabo Hargeysa.

Somaliland ayaa dhawaan ka soo horjeesatay eryiddii Nicholas Haysom Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya.

Somaliland ayaa waxaa ay xilligaas sheegtay in ay diidan tahay go’aanka Dowladda Federaalka ah dalka uga saartay Nicholas Haysom.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxaa ay raadineysaa Aqoonsi Caalami ah oo ay ka hesho Caalamka intiisa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here