Saxafiyad Soo Bandhigtay Hantida Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Turkiga Oo Xukun Lagu Riday

0
513

Saxafiyad Soo Bandhigtay Hantida Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Turkiga Oo Xukun Lagu Riday

Saxafiyadda Pelin Ünker ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Istanbul, iyadoo lagu eedeeyey inay horey wax uga qortay Xog ku adaan Dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee Ra’iisul-wasaarihii hore ee Turkiga, Binali Yıldırım iyo wiilashiisa.

Saxafiyadda oo ah Weriye daba-gasha Dembiyadda iyo Xogaha Qarsoon,  ayaa lagu eedeeyey inay qortay Shirkadaha uu Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi iyo Wiilashiisa ku leeyihiin Jesiiradda Malta.

Maxkamadda Istanbul, waxay Saxafiyadaasi ku xukuntay in ka badan hal sanno, balse, Saxafiyadda waxay sheegtay inay Rafcaan ka qaadanayso Xukunkaasi.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaarihii hore ee Turkiga, Binali Yıldırım, oo haatan ah Guddoomiyaha Barlamaanka dalkaasi waxa uu horey u qirtay inay isaga iyo Wiilashiisa Shirkado ku leeyihiin Malta.

Binali Yıldırım waxa uu xilka Ra’isul-wasaarenimo hayey sannadkii 2016-kii ilaa 2018-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here