Madaxweynaha Puntland iyo Kuxigeenkiisa oo la kulmay Gudoonka Baarlamaanka.

0
710

Madaxweynaha Puntland iyo Kuxigeenkiisa oo la kulmay Gudoonka Baarlamaanka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa waxa ay kulan la yeesheen guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed iyo labadiisa ku xigeen.

Kulanka oo Saacado qaatay ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen masuuliyadaha iyo shaqooyinka hor yaalla Madaxweynaha Puntland iyo guddoonka Cusub.

Madaxweyne Deni, ayaa ku amaanay Gudoonka Golaha Wakiilada dadaalkii ay ku bixiyeen sidii doorasho xor oo xalaal ah ay uga dhici leheyd Caasimada Puntland, Wuxuuna balanqaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed iyo labadiisa ku xigeen, ayaa madasha ka sheegay in Puntland ay heysato Madaxweyne wax badan ka qaban kara dhibta heysata, Wuxuuna sheegay iney door ka qaadan doonaan isbedelka la filayo inuu dhoco..

Si kastaba, Siciid C/llaahi Deni, Madaxweynaha 5-ta sano ee soo socota Puntland, ayaa durba bilaabay shaqadiisa, isagoo maantaba la kulmau Saraakiisha Ciidamada iyo Madaxweynihii ka horeeyay C/Weli Gaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here