Banaanbaxyo lagu taageerayo madaxweyne Al-Bashiir oo ka dhacay Qartuum

0
897

Banaanbaxyo lagu taageerayo madaxweyne Al-Bashiir oo ka dhacay Qartuum

Boqolaal ruux oo dibadbaxayaal ah ayaa arbacada maanta ah soo buux dhaafiyay magaalada caasimada ah ee Khartuum kuwaasi oo taageere u ah madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Arintaan ayaa ka danbeysay kadib dibadbaxyo xoogan oo dhiig ku daatay oo tan iyo 19-kii bishii la soo dhaafay ka looga soo horjeeday xukuumada suudaan.

Madaxweyne Bashiir oo talada la wareegay sanadkii 1989 ayaa hada wajahaya mucaaradadii ugu xooganeyd ee abid uu arko tan iyo markii uu afgambiga kula wareegay Sudaan.

Boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka booliska ee sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa loo daabulay fagaaraha Green Yard,sida ay tabisay wakaalada wararka ee AFP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here