Baasaboorka Soomaaliga oo ka awood badan Baasaboorada Afghanistan iyo Ciraaq

0
656

Baasaboorka Soomaaliga oo ka awood badan Baasaboorada Afghanistan iyo Ciraaq

Baasaboorka Soomaaliga ayaa markale xajistey booskii uu ugaga jirey qiimeynta baasaboorada caalamka, iyadoo warbixin la soo saaray ay ka hooseeyaan wadamada Afghanistan iyo Ciraaq.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in baasaboorka Soomaaliga lagu tegi karo illaa 32 wadan iyadoo wadanka SIiriya uu yahay mid lamid ah baasaboorka Soomaaliga, halka baasaboorada wadamada Afhganistan iyo Ciraq ay ka hooseeyaan baasaboorka Soomaaliga waxaana  lagu tegi karaa 30 dal oo kaliya.

Sidoo kale, Warbixin ay soo saartay sanadkan 2019 hay’ad qiimeysa sanad walba baasaboorada caalamka Henley Passport Index ayaa lagu sheegay in baasaboorka caalamka ugu wanaagsan uu yahay kan dalka Japan.

Waa markii labaad oo isku xigta oo dalka Japan noqonaya dalka baasaboorkiisu dalalka ugu badan caalamka laga oggol yahay in lagu tago. Baasaboorka dalka Japan ayaa lagu tegi karaa 190 wadan.

Halkan hoose ka aqriso tobanka dal ee ugu horeeya baasaboorada iyo tobanka dale e ugu hooseeya caalamka dhinaca baasaboorada iyo weliba wadamada lagu tegi karo.

  1. Japan (190 wadan )
  2. Singapore, South Korea (189)
  3. France, Germany (188)
  4. Denmark, Finland, Italy, Sweden (187)
  5. Luxembourg, Spain (186)
  6. Austria, Netherlands, Norway, Portugal, Switzerland, United Kingdom, United States (185)
  7. Belgium, Canada, Greece, Ireland (184)
  8. Czech Republic (183)
  9. Malta (182)
  10. Australia, Iceland, New Zealand (181)

Tobanka dal ee ugu liita dalalka caalamka dhinaca baasabooradooda.

  1. Palestinian Territory, Sudan (39 wadan )
  2. Eritrea (38)
  3. Yemen (37)
  4. Pakistan (33)
  5. Somalia, Syria (32)
  6. Afghanistan, Iraq (30)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here