Dowlada federaalka yey taageereysa labada Musharax Saciid Dani iyo Asad Cismaan ?

0
785

Dowlada federaalka yey taageereysa labada Musharax Saciid Dani iyo Asad Cismaan ?

Magaalada Garawe waxaa si toos ah uga socota wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana wareega labaad ee doorashada isugu soo haray sadexda musharax ee helay codadkii ugu badnaa wareega koobaad.

Musharaxiinta kala ah Saciid Cabdulaahi Dani iyo Asad Cismaan Cabdulaahi oo ah nin dhalinyaro ah ayaa la saadaalinayaa in midkood ku guuleesan doono doorashada Madaxweynaha Puntland.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay taageereyso musharaxa Asad Cismaan Cabdulaahi si uu doorashada ugu guuleesto, waxa ayna dowlada federaalka si hoose u taageereysay Musharaxiin uu Asad ku jiray.

Waxaa la saadaalinayaa in Asad Cismaan Diyaano uu heli doono codadka Musharax Jabiye oo isna dowlada Federaalka taageereysay balse ku haray wareega koobaad ee doorashada, waxaana laga yaabaa in codkiisa ku wareejo Asad.

Dhinaca kale Musharax Saciid Cabdulaahi Dani ayaa lagu waramayaa in uu taageero ka helayo Kooxda Damul Jadiid uu katirsan yahay, waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa in musharax Dani uu tagaeero hoose ka helayo Musharaxa haray ee Cabdiweli Gaas.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Gaas kana haray doorashada ayaa la sheegay in uu kasoo horjeedo Musharaxa ay taageereyso dowlada federaalka, waxaana la saadaalinayaa in sideeda -cod uu helay ku taageerayo Musharax Siciid Dani.

Si kastaba dowlada federaalka ayaa guul u aragtay cid kasta oo kusoo baxda doorashada Madaxweynaha Puntland hadii uuba haray Musharax Cabdiweli Gaas oo dagaal dadban iyo mid toos ah kula jiray dowlada federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here