Ammaanka Magaalada Garowe oo si wayn loo adkeeyay

0
601

Ammaanka Magaalada Garowe oo si wayn loo adkeeyay

Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland halkaasi oo la filaayo maalinta beri ah inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha.

Ciidamada loogu talo galay suggida ammaanka Magaalada Garowe ayaa la galiyay xaalad feejignaan ah oo ku aadan adkeynta ammaanka Magaalada.

Waxaa si wayn loo hubinayaa noocyada kala duwan ee gaadiidka Magaalada dhexmaraya iyo kuwa ka soo gudbaya Koontaroolka Magaalada.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale su’aalo waydiinaya dadka ay ka shakiyaan ee Magaalada lagu dhex arko.

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in Magaalada Garowe ay ka qabsoonto Doorashada Madaxweynaha iyo Ku xigeenka Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here