Xildhibaan C/fataax “Farmaajo wuxuu aargoosi ku wadaa qof kasta oo qeyb ka ahaa heshiiskii Kampala Accord”

0
627

Xildhibaan C/fataax “Farmaajo wuxuu aargoosi ku wadaa qof kasta oo qeyb ka ahaa heshiiskii Kampala Accord”

Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xisbiga UPD ayaa sheegay in hab dhaqanka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo uu yahay hab dhaqan ku saleysan aar-goosi.

Khudbad uu shalay ka jeediyay Munaasabad uu Xisbiga Xarun ku furanayay ayuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aargoosi ku wado cid alla cidii ka qeyb gashay Heshiiskii Kampala Accord ee sababay inuu isaga casilo xilkii Ra’iisul Wasaare sanadkii 2011.

“Waxaa rabaa inaan xuso hab dhaqanka dowladda hadda talada heysa, hab dhaqankaas wuxuu ku saleysan yahay aargoosi, qofkii maalin dowladda wax ka sheegay in isaga oo dhan labo gibil lagala boodo, waxaa rabaa in hab dhaqankaas la bedelo oo sharciga lagu soo noqdo”ayuu yiri Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaa marqaati u ah Madaxweyne Farmaajo qof kasta oo Heshiiskii Kampala Accord ka qeyb geliyay in laga aargoosto, budkii wuxuu ku dhacay Wakiilkii Qaramada Midoobey Mr Haysom oo saddex bil ka badan dalka aan joogin, hadda waxaa haray Sheekh Shariif iyo Yoweri Museveni dadka laga aargoosanayo, koley war uma hayo waxa lagaga aargoosanayo ayaga inoo sheegi doono”ayuu yiri

Heshiiskii Kampala Accord ee sanadkii 2011 ayaa waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Qaramada Midoobey oo xilligaas uu hoggaaminayay Wakiilkooda Soomaaliya Mahiga, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilligaas ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo berrigaas ahaa Ra’iisul Wasaare inuu isku casilay heshiiska ka dhashay Kampala Accord.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here