Madaxweynaha suudaan oo meesha ka saaray in uu casilayo

0
604

Madaxweynaha suudaan oo meesha ka saaray in uu casilayo

Madaxweynaha wadanka Suudaan ayaa balan qaaday in uu dib u habeyn ku sameyn doono kobaca dhaqaalaha oo mudooyinkii la soo dhaafay hoos u sii dhacayay.

Mr Bashiir ayaa dhanka kale meesha ka saaray baaqyada mucaaradka waxaana uu sheegay in uusan xilka iska Casili doonin.

Dhanka kale xisbiyo wadaag la ahaa xukuumada ayaa isaga baxay dowlada iyadoo uu sii xoogeysanayo mudahaaradka ka dhan ah dowlada oo todobaadyadii la soo dhaafay sii xoogeysanayay.

Hadalka Al-bashiir ayaa imaanaya kadib dibadbaxyo xoogan oo dalkaasi ka bilowday dhamaadkii bishii December kaasi oo looga soo horjeedo sare u kaca ku yimid qiimaha rootoga iyo shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here