Ciidamada Kenya oo sheegay dagaal inay ku dileen todobo Shabaab

0
582

Ciidamada Kenya oo sheegay dagaal inay ku dileen todobo Shabaab

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in todobo ka mid ah Ciidamada Al-shabaab ay ku dishay deegaanka Taabta ee Gobolka Jubada hoose.

Afhayeen u hadlay Militariga Kenya ee KDF ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee ku jira Amisom ay dagaal la galeen Al-Shabaab islamarkaana ka dileen todobo xubnood kana furteen hub iyo rasaas.

Dagaalkaas ayey sheegeen in ay ku dhinteen todobo Askari oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ka furteen 9 Qori oo AK47 ah, labo Madfac, iyo saddex Garneyl.

Waxaa kale oo uu Afhayeenka u hadlay Ciidanka Kenya sheegay in laba ka mid ah Askartooda uu dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkaas.

Mr Njuguna, ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya ay aad u feejigan yihiin islamarkaana ka hawlgalayaan Soomaaliya inta ay nabad ka noqoneyso.

Al Shabaab ayaa weerarkaasi qaaday oo beegsaday Saldhiga Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Taabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here