Xuutiyiinta oo ka caga jiidaya in gacan ku heynta dekeda Xudeydah ay ku wareejiyaan qaramada Midoobay

0
705

Xuutiyiinta oo ka caga jiidaya in gacan ku heynta dekeda Xudeydah ay ku wareejiyaan qaramada Midoobay

Waxaa walaac xoogan iyo xaalad aan hubaanta aheyn laga soo sheegayaa magaalada dekada ah ee xudeydah ee caasimada dalka Yemen oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Xuutiyiinta.

Dadka ku dhaqan magaalada ayaa ku eedeyay xuutiyiinta in ay ku fashilmeen in gacan ku heynta magaalada ay ku wareejiyaan gudiga qaramada midoobay u xilsaartay la socoshada xabad joojinta.

Heshiiskii bartamihii bishan dowlada Yemen iyo mucaaradka xuutiyiinta ku galeen dalka Sweden ayaa waxaa la isla gartay in gacan ku heynta dekada lagu wareejiyo qaramada midoobay lana joojiyo colaada labada dhinac.

Walaacaan ayaa imaanaya iyadoo qaramada midoobay ay rajo ka qabtay in lagu wareejiyo gacan ku heynta dekada iyo guud ahaan magaalada Xudeyday si loo caawiyo dadka u baahan gargaarka.

Xudeydah ayaa waxay muhiim u tahay boqolkiiba 70 alaabaha ka so dega shacabka wadanka Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here