Liiska Xubnaha Cusub Ee Baarlamaanka Puntland Oo Maanta La Filayo In Lagu Dhawaaqo

0
543

Liiska Xubnaha Cusub Ee Baarlamaanka Puntland Oo Maanta La Filayo In Lagu Dhawaaqo

Garoowe (Dalmar-News):- Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland looga dhawaaqo liiska xubnaha cusub ee noqonaya Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ee lagu wado in ay soo doortaan madaxweynaha.

Liiska Xildhibaanada ayaa ka koobnaan doona 66 Xildhibaan oo ku qoran dastuurka maamulka Puntland, waxaana maalmaha soo socda ay dooran doonaan Gudoonka baarlamaanka maamulka Puntland.

Musharixiinta qaarkood ayaa horey uga digay in xubnaha cusub ee Baarlamaanka noqon karaan kuwo si gaar ah madaxtooyada Puntland u soo xulatay, hasse ahaatee waxaa isha lagu wada hayaa magac-yada xubnaha la filayo in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub iyo sida ay uga fal celiyaan musharixiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here