DEG DEG :Magacyada Barlamanka Cusub Ee Puntland Oo Lagu Dhawaaqay 65 rag ah iyo 1 dumar ah

0
1048

DEG DEG :Magacyada Barlamanka Cusub Ee Puntland Oo Lagu Dhawaaqay 65 rag ah iyo 1 dumar ah

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta ee Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland.

Xildhibaanada cusub ee  Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta ay ku dhawaaqeen ayaa ka kooban 66 Xildhibaan, kuwaasi oo maalmaha soo socda soo dooran doona Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland.

Xildhibaanadan ayaa laga soo xulay deegaanada maamulka Puntland,iyagoona shaqeyn doona 2019 ilaa iyo 2023. Waxayna isugu jiraan  49 cusub iyo 17 xubnood oo ka tirsanaa Baarlamankii hore,balse dib loo soo doortay.

Doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo la filayo inay noqoto doorashadii ugu horeysay ee ay ku tartamaan musharixiin faro badan ayaa la qorsheeyay inay dhacdo 8da bisha Janaayo ee sanadka 2019.

Halkan hoose ka aqriso magacyada xildhibaanada cusub ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here