Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta yeelanaya kulankooda caadiga ah, kaddib todobaadyo uu hakad ku jiray

0
539

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta yeelanaya kulankooda caadiga ah, kaddib todobaadyo uu hakad ku jiray

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta yeelanaya kulankooda caadiga, kaddib khilaaf hareeyay Guddoonka Baarlamaanka oo sababay in ku dhowaad 25 maalmood aanu kulmin.

Khilaafka Guddoonka Baarlamaanka ayaa salka ku hayay kala diridii Guddiga Maaliyadda iyo warbixintii muranka badan dhalisay ee la xiriirtay wax is daba marin iyo musuq maasuqa la sheegay in lagu sameeyay Miisaaniyadda sanadka 2018, isla markaana lacag gaaray 42 milyan ay sheegeen inay maqan tahay.

Inkastoo marxalado kala duwan ay soo martay xaaladda Guddiga Maaliyadda ayaa ugu dambeyn wada hadalo iyo is faham dhex maray Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xukuumadda waxaa meesha laga saaray xubnihii Guddoonka guddigaas, iyadoo qoraal uu todobaadkii hore soo saaray Guddoomiye Mursal dib u habeyn lagu sameeyay Guddiga, lana doortay Guddoon cusub.

Kulanka maanta oo Sabti ah ee Golaha Shacabka uu yeelanayo ayaa ajandaha looga hadlayo waxaa ka mid ah miisaaniyadda sanadka 2019 oo la qorsheeynayo in si degdeg ah loo meel mariyo, ka hor inta aanu dhammaan sanadkan.

Hase ahaatee qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in ajandaha maanta aanay ku jirin xisaab xirka miisaaniyadda sanadkii 2017 iyo sanadkan dhamaanaya ee 2018, oo aanay Wasaaradda Maaliyaddu weli soo bandhigin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here