Dagaal maleeshiyo beeleed mar kale ku dhexmaray duleedka Degmada Maxaas oo sababay Khassaare kala duwan

0
791

Dagaal maleeshiyo beeleed mar kale ku dhexmaray duleedka Degmada Maxaas oo sababay Khassaare kala duwan

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal gelinkii dambe ee Maanta markale ka bilaawday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan kaas oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaano duleedka ka ah degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo lagu magacaabo Dudumagaduud,waxaana dad halkaasi ku sugan ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid culus.

Ku dhawaad 15 Ruux ayaa la sheegay in dagaalkii Maanta ay ku dhinteen, waxaana xusid mudan in deegaanada lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar iyo Saraakiisha Ciidamada xooga dalka.

Mas’uuliyiintaas ayaa deegaanadaas u tegay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka dhexmaraya labada beelood oo isku-heysta dhul halkaasi ku yaalla, hayeeshee ay ku guuleysan waayeen kadib markii markale uu Maanta dhacay.

Maalmahan dhan ayaa deegaanada hoostagga Degmada maxaas ee Gobolka Hiiraan waxaa ka taagnaa xiisada u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed oo dad horay isaga dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here