Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sameystay ciidamo gaar ah

0
693

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sameystay ciidamo gaar ah

Dowladda Itoobiya ayaa bilowday inay hirgeliso ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda dalkaasi oo ay kamid yihiin wasiirada, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalkaasi.

Ciidammadan oo loogu magacdray ilaalada Jamhuuriyadda ayaa dhamesytay tababar gaar ah oo loogu diyaariyay sidii saraakiisha sarsare ee dowladda iyo qoysaskooda ay uga difaaci lahaayeen cid walba oo dhibaato la damacsan.

”Ciidammadan waxaa ay qeyb ka yihiin laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya, waxaana ay dhoowri doonaan sareeynta sharciga” waxaa sidaasi lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Ciidankan oo ah milateri si gaar ah u tababaran ayaa loo xil saaray in khatar walba ay ka difaacaan madaxda ugu sareysa Itoobiya.

.Lahaanshaha sawirkaXAFIISKA RA’IISUL WASAARE ABIY
Image captionAbiy oo ka qeybgalaya dhoolatuska ciidanka gaarka ah

Waxaa ay lixdii bilood ee la soo dhaafay qaateen tababar dheeraad ah, waxaana haatan loo diyaariyay hub casri ah oo ay ku howlgalaan.

Dhoolatus ay soo bandhigeen ciidankan oo uu ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen tababarkii ay qaateen iyo qaabka ay ugu diyaarsanyihiin shaqada loo igmaday.

.
Image captionRa’iisul wasaare Abiy oo jimicsi la sameenaya ciidan gadooday

Bishii Oktoobar ee sannadkan ayay aheyd markii ciidamo gadooday ay gudaha ugu galeen madaxtooyada Itoobiya, kuwaasi oo dalbanayay mushaar kordhin, hasa yeeshe Abiy Axmed oo la kulmay ciidankaasi ayaa jimicsi la sameeyay si uu u dejiyo xaaladda.

Mar uu ka hadlayay barlamaanka dalkiisa ayuu Abiy Axmed waxaa uu sheegay in ciidankaasi ay doonayeen inay dilaan isaga, waxaana markii dambe la xukumay qaar kamid ah ciidammadii sameeyay gadoodka.

Bishii Juun ee isla sannadkan ayay aheyd markii ra’iisul wasaare Abiy uu ka ”badbaaday shirqool la doonayay in lagu khaarajiyo” xili uu ka khudbeenayay goob fagaara ah oo ku taala magaalada Addis ababa.

.Lahaanshaha sawirkaXAFIISKA RA’IISUL 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here