Trump oo ku eedeyay aqalka Congareska in uu mas,uul ka yahay hakadka ku yimid howlihii Dowlada

0
697

Trump oo ku eedeyay aqalka Congareska in uu mas,uul ka yahay hakadka ku yimid howlihii Dowlada

Gabi ahaanba waxaa maanta istaagay howlihii ay hayeen qaar ka mid ah hey,adaha dowlada Mareykanka kadib markii dowlada uu hogaamiyo Trump iyo mudanayaasha aqalka hoose ee Congress-ka ay isku maandhaafeen Miisaaniyada.

Doodaan oo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd dalka Mareykanka ayaa maanta ugu danbeyn keentay in gabi ahaanba uu hakado dhaqdhaaqii xafiisyada dowlada.

Trump ayaa ka soo dabci la dalab uu ku doonayo lacag dhan 5 Billyan oo lagu daro miisaaniyada si loogu dhiso darbiga uu doonayo in laga dhiso xadka Mareykanka iyo Mexico.

Dhanka kale madaxda labada aqal ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan wadahadalada ilaa inta laga gaarayo dabaaldega ciida masiixiga si arintaan xal rasmi ah ay uga gaaraan.

Muuqaal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa madaxweyne Trump waxaa uu ku eedyay xubnaha aqalka hoose in ay mas,uul ka yihiin hakadka ku yimid maanta howlihii dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here