Mid ka mid ah Amiirada U Dhashay Sacuudiga Oo Geeriyooday

0
654

Mid ka mid ah Amiirada U Dhashay Sacuudiga Oo Geeriyooday

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu geeriyooday Amiir Talaal Bin C/casiis oo 87-jir ahaa.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Riyaadh, kadib, markii uu dhow sanno xanuunsanaa.

Amiir Talaal Bin C/casiis waxa uu aabe u yahay Maalqabeenka weyn ee Sacuudiga, Al-waliid Bin Talaala, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Sacuudiga sannadihi 1950-aadkii ilaa 60-aadkii, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Isgaarsiinta iyo Maaliyadda ee dalkaasi.

Amiir Talaal Bin C/casiis waxa masaafuris ahaan ugu nool Dibedaha sannadihii 60-aadkii, kadib, markii uu ku baaqay in Isbedel lagu sameeyo Dastuurka Sacuudiga, isbahaysina la noqday Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Jamaal C/naasir.

Marxuumka waxa uu dib ugu soo laabtay Sacuudiga, kadib, markii uu Boqor Faysal Bin C/casiis noqday Boqorka Sacuudiga sannadkii 1964-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here