DAAWO : Raiisal Wasaarahe Khayre oo xalay saqdii dhexe isbitaalada ku booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay

0
553

DAAWO : Raiisal Wasaarahe Khayre oo xalay saqdii dhexe isbitaalada ku booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar ka mid ah isbitaalada la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Shabaab ay shalay ku laayeen dadka shacabka ah.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Isbitaalada Madiina iyo Erdogan Ex-Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan, wuxuuna u kuurgalaayay xaaladoodi caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo kufilan iyo in kale.

Raiisul Wasaaraha ayaa Bukaanada si toos ah ula wadaagayay dareenkiisa, isagoo mid mid u xog wareysanayay,halka kuwa aan xaaladoodi ka sheekeyn karina uu ka xog wareysanayay eheladooda iyo dhaqaatiirka isbitaaladaasi.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamuud oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii wehlisay Raii’sul wasaaraha ayaa ka hadlay kormeerkooda iyo waxyaabihii ay la kulmeen.

“Waxaan soo marnay isbitaalada Madiina iyo Digfer marka shacabka waxaaan u sheegayna in raiisul wasaaraha uu u taagan yahay in uu u shaqeeyo shacabka,waxaa taasi daliil u ah in xili dambe oo habeen ah uu socdo oo idinka warqabo,yaan la niyad jebin dalka wuu hagaagidoonaa,waan ka adkaan doonaa kooxahaasi,gacmo wdajir bay wax ku gooyaan ha la isku duubnaado,marka Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo gobanimo.

Labo qarax oo loo adeegsaday gawaari ayaa shalay Shabaab waxaa ay dad shacab ah kula beegsadeen agagaarka Matxafka Qaranka iyo Taaladda Daljirka, dadka shacabka ah ay ku dhibaateeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here