NISA oo sheegtay in la soo qabtay maskaxdii ka dambeysay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

0
582

NISA oo sheegtay in la soo qabtay maskaxdii ka dambeysay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

Qoraal la soo dhigay Bogga Twitterka Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay ku guuleysteen soo qabashada ruuxii ka dambeeyay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho.

Waxa kale oo NISA ay sheegtay in la soo qabtay ruuxii waday gaariga labaad ee ku qarxay Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho oo inta uusan qarxin ka hor la qabtay ninkii waday.

Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ma aysan sheegin magaca qofka la soo qabtay ee ay sheegtay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyada dhacay.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda laba qarax oo gaadiid loo adeegsaday oo mid ka mid ah lagu dhuftay Koontaroolka Ciidanka Koofi gaduuda ay ku leeyihiin Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here