Mareykanka oo si dadban u sheegay in ciidankiisa uu ka saarayo suuriya

0
607

Mareykanka oo si dadban u sheegay in ciidankiisa uu ka saarayo suuriya

Dowlada Mareykanka ayaa ka fiirsaneysa in ciidankeeda ay ka saarto gudaha dalka siiriya sida Arbacada maanta ah ay tabiyeen warbaahinta dalkaas oo soo xiganaya saraakiil diiday in magacooda la xuso.

Hadii ay rumowdo arintaan ayaa waxaa suura gal ah in ay dib u soo laabato kooxda daacish, sida ay ku doodayaan saraakiisha amniga iyo xoghayaha difaaca mr Jim Mattis.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ciidanka mareykanka ay dalkooda ku soo laaban doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.


Qoraal uu ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay arbacada maanta ah in ay ka itaal roonaadeen daacish sababta ciidankooda ay u joogeen suuriyana ay aheyd la dagaalanka daacish.

Xoghayaha warbaahinta ee aqalka cad ms Sarah Sanders ayaa dhankeeda sheegtay hadii laga adkaaday daacish in aysan macnaheeda aheyn in uu dhamaaday dagaalka wadamada caalamka ay kula jiraan argagixisada.


Waxay intaa ku dartay mareykanka iyo saaxiibadiisa ay sii wadi doonaan ololaha loogu jiro in tababaro loo sameeyo ciidanka amniga si loo xaqiijiyo danaha mareykanka iyo la dagaalanka argagixisada suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here