Koonfur Afrika oo soo saartay amar lagu soo xirayo Grace Mugabe

0
564

Koonfur Afrika oo soo saartay amar lagu soo xirayo Grace Mugabe

Xukuumada koonfur Afrika ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo xaaska madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe ms Grace Mugabe oo lagu eedeyay xadgudub ay u geysatay gabar xayeysiisa dharka casriga ah ee loo yaqaan model-ka sida uu sheegay afhayeenka booliska.


Falkaan oo ka dhacay bishii August ee sanadkii 2017-dii magaalada Johannesburg ayaa ms Mugabe la sheegay in ay fiilada korontada ay ku garaacday gabadha lagu magacaabo Gabriella Engels.


Marwada koowaad ee dowladii Mugabe ayaa sanadkii hore waxay magangalyo siyaasadeed ka heshay dalka koonfur Afrika ayada iyo seygeeda kadib markii si qasab ah ay milatariga talada uga tuureen.

Dacwadaan oo la soo gabagabeeyay sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa markale maxkamada ku laabtay ms Gabriella Engels oo sheegtay in xadgudub loo geestay ayna dooneyso in ay cadaalada hesho.

Afhayeenka booliska koonfur Afrika Vishnu Naidoo ayaa dhanka kale ka dalbaday khamiista maanta in booliska aduunka ay ka caawiyaan xariga Grace Mugabe.

Laba wiil oo uu dhalay Mugabe oo hotel ka Sandton la joogay gabadhaan ayaa waxaa u yimid ms Grace iyadoo sabab la,aan kaga saartay gabadhan hotelka.

Grace Mugabe ayaa dib ugu laabatay dalkeeda iyadoo aan la maxkamadeyn waxaana si la mid ah ay dowlada Zimbabwe cafis u fidisay madaxweynihii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here