Midowga Yurub oo war saxafadeed ka soo saaray xaalada Magaalada Baydhabo

0
554

Midowga Yurub oo war saxafadeed ka soo saaray xaalada Magaalada Baydhabo

Wadamada midowga yurub iyo beesha caalamka ayaa aad u canbaareyay rabshadihii ka dhacay 24-tii saac ee la soo dhaafay magaalada beydhabo ee xarunta maamulka koonfur galbeed.

Midowga yurub ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa lagu sheegay in ay aad ugu xun yihiin dadkii ku dhintay magaalada.



Dhanka kale waxaa loogu baaqay dhinacyada isku haya siyaasada koonfur galbeed in ay u naxaan shacabka magaalada kana hortagaan waxwaliba oo keeni kara kala fogaanshaha dadka koonfur galbeed.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo rabshado maalinkii labaad ay ka dhaceen magaalada waxaana ku dhintay sadex ruux oo mid ka mid ah uu ahaa xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee soomaaliya.

Dhanka kale waxaa degan xaalada magaalada iyadoo odayaasha magaalada ay ku baaqeen in la sii daayo murashax Muqtaar Rooboow (Cali Abuu Mansur).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here