DEG DEG : Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka oo sheegay inuu jabay Mooshinka Madaxweynaha

0
1163

DEG DEG : Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka oo sheegay inuu jabay Mooshinka Madaxweynaha

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka C/kariin Xaaji Buux ayaa sheegay inuu mooshinkii laga keenay Madaxweynaha 9-kii bishan uusan soo buuxin shuruudii Dastuuriga aheyd, isla markaana ay ka baxeen 14 Xildhibaan.

Mr Buux ayaa sheegay inuu arkay qoraalo Xildhibaano ka tirsan u soo gudbiyeen oo ay ku sheegeen in laga been abuurtay saxiixooda.

Waxaa uu sheegay in 92 Xildhibaan oo mooshinka ku saxiixnaa ay ka laabteen 14 Xildhibaan, sidaas darteed tirada Xildhibaanada ku soo haray Mooshinka ay gaarayaan 78 Xildhibaan sida uu yiri.

Arrintan ayaa u muuqataa caqabado hor leh uu sii galayo Mooshinka laga keenay Madaxweynaha oo ka dhashay in Guddoonka ku kala qeybsamo.

Bishii March ayay aheyd mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari in markii hore la sheegay in Mooshinka jabay, kana laabteen xildhibaanada, balse dhinaca kale ee Mooshinka waday ku adkeysteen in aanu mooshinka jabin, uuna yahay mid sax ah, waxaana is jiid jiid badan iyo qalalaaso uu galay Baarlamaanka uu sababay inuu is casilo Guddoomiyihii hore Mr Jawaari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here