Siyaasi C/Raxmaan C/Shakuur Oo Dib Ugu Soo Laabtey Muqdisho , Xili Mooshin Laga Gudbiyey Farmaajo

0
607

Siyaasi C/Raxmaan C/Shakuur Oo Dib Ugu Soo Laabtey Muqdisho , Xili Mooshin Laga Gudbiyey Farmaajo

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib muddo lix bilood uu ka maqnaa Caasimadda dalka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa Mucaaradka ayaa ku soo dhoweeyay Siyaasiga mucaaradka qeybta VIP-da Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

C/raxmaan C/shakuur oo ay garbihiisa ka muuqdaan Xildhibaanada mucaaradka ayaa xillgan ka qeyb qaadanaya munaasabad lagu soo dhoweynayay oo ka socota degmada Hodan.

Imaanshaha Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dalka uu galay xaalad siyaasadeed, kaddib markii shalay Mooshin laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here