Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha Agoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Suudaan

0
676

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha Agoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Suudaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Turkiga iyo Suudaan ee Soomaaliya.

Danjiraha dalka Turkiga Mudane Maxamed Yilmaz oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Danjiraha cusub ee dalka Turkiga in uu ku guuleysto gudashada doorka kaga aaddan adkaynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isagoona bogaadiyey dadaallada labada dawladood ee ku saleysan ka mira dhalinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhanka kale, Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa oo Madaxweynaha u gudbiyey waraaqahiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Cumar Xasan Albashiiri.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay waxa uu uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suudaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu u sheegay Danjireyaasha in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay safiirka cusub ee TURKEY Cali Ducale-1Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay safiirka cusub ee TURKEY Cali Ducale-2Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay safiirka cusub ee TURKEY Cali Ducale-3Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay safiirka cusub ee TURKEY Cali Ducale-5Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay safiirka cusub ee TURKEY Cali Ducale-4Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay safiirka cusub ee TURKEY Cali Ducale-7Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay safiirka cusub ee SUUDAAN Cali Ducale-1Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay safiirka cusub ee SUUDAAN Cali Ducale-4Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay safiirka cusub ee SUUDAAN Cali Ducale-5Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay safiirka cusub ee SUUDAAN Cali Ducale-7Labada calanMadaxweyne Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay safiirka cusub ee SUUDAAN Cali Ducale-8Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay safiirka cusub ee SUUDAAN Cali Ducale-11

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here