Shabaab iyo Ciidamada Mareykanka oo dagaal ku dhexmaray Degmada Awdheegle

0
611

Shabaab iyo Ciidamada Mareykanka oo dagaal ku dhexmaray Degmada Awdheegle

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose Ciidamada Mareykanka ayaa weerar ku qaaday Degmadaasi oo gacanta ay ku hayaan Ururka Al Shabaab.

Weerarka ayaa waxa uu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Mareykanka oo wata diyaarado dagaal ay ku dageen duleedka Degmada Awdheegle, kadibna qaab lug ah ay ku galeen Magaalada gudaheeda.

Ciidanka Mareykanka oo lugeynaya Saldhiga Degmada Awdheegle agteeda, ayaa waxaa dagaal kala hor yimid Ciidanka, Shabaab waxaana halkaasi ka dhacay dagaal labada dhinac ay isku fara saareen.

Illaa hadda lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi Shabaab & Ciidamada Mareykanka oo ay wehliyeen askarta Somalida ee Bangaraafta halkaasi ku dhexmaray, balse intii dagaalka uu socday ayaa waxaa la maqlaayay duqeyn bar bar socotay.

Diyaarado dagaal ayaa la sheegay in gantaalo ay  ku dhufteen Magaalada gudaheeda, Gantaalka Koowaad ayaa wuxuu ku dhacay Suuqa Degmada Awdheegle, halka sidoo kale gantaalka labaad uu ku dhacay Xaafadda Caanoole ee Magaaladaasi, lamana garanaayo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Shabaab waxa ay sheegeen inay fashiliyeen qorshe ciidamada Mareykanka & Baangaraafta ay ku doonayeen inay weerar kaga gaystaan Magaalada Awdheegle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here