125 gabdhood oo tobankii maalin ee la soo dhaafay lagu kufsaday suudaanta koonfureed

0
605

125 gabdhood oo tobankii maalin ee la soo dhaafay lagu kufsaday suudaanta koonfureed

Tobankii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu kufsaday wadanka suudaanta koonfureed 125 gabdhood oo ku sugnaa Magaalada Benitu, sida ay sheegtay hey,ada dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF.

Dumarkaan ayaa raashin gargaar ah waxay ka soo qaateen xarunta MSF oo ugu danbeyn ay ka qaateen kooxda dhibaatadan geysatay.

Hablahaan oo u badnaa dumar ay da’dooda yartahay ayaa dhibaatada loo geestay waxaa xaqiijiyay Ruth Okello oo ka tirsan hey,adaan.

Gabdhaha qaar ayaa waxaa ay ka yaryihiin 10 sano halka kuwo kalena ay yihiin haween xaamilo ah iyo kuwo da;dooda ay ka weyn tahay 65 sano.

Weerarkaan ayaa waxaa geestay rag aan heybtooda la garan oo ka soo jeeda waqooyiga magaalada Benitu.

Raga weerarkaan geestay ayaa sidoo kale ka dhacay raashin dhar lacago iyo kabihii ay wateen ka qaateen haweenka dhibanayaasha ah ee kufsiga loo geestay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here